Dhuusmareeb (Raxanreeb ) laba qof oo shacab ah, kana mid ah ganacsatada magaalada ayaa lagu dilay rasaas ay dableey aan wali la aqoonsan ku huwiyeen bartamaha suuqa weyn ee Dhuusamareb.
Shiikh Xasan Diirshe cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed ayaa la sheegay in lagu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo baxsaday.
Ciidamada amaanka oo soo gaarey goobta ayaa baaris wada, inkastoo aan wali la heyn faah faahin rasmi ah.
Ganacsatadan ayaa la sheegay iney ka soo jeedaan magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, waxayna isku heyb yihiin Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.
Dilkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil iyo dilal aargoosi ah oo maalmahanba u dhexeeyey beelaha walaalaha ah ee kala dega magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.
Leave a Reply