Digniin ka soo baxaysa kooxaha reer Galbeedka ka dib weerarkii Israa’iil.

Digniin ka soo baxaysa kooxaha reer Galbeedka ka dib weerarkii Israa’iil.

Gaza (Raxanreeb )  – Dalal badan oo reer Galbeed ah aadna ugu dhaw Israa’il ayaa walaac badan waxa ay ka qabaan xiisada sii kordaysa ee Israa’iil iyo Iiraan waxaana soo baxaya diginin ka dhan ah dagaalka.

Xiisada Iiraan iyo  Israa’iil ayaa keenay   in siyaasadda caalamka u jihaysato  dhanka Israa’iil taas oo ka dhalatay xiisada iyo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ee Iiraan iyo Israa’iil.

Waxaa laga digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta sii socoshada dagaalka labadan dal oo jiho cusub u  furaya caalamka iyadoo ay soo baxayaan suurtagalnimada dalka 3aad ee caalamka.

Inkastoo ay dalalka reer Galbeedka ee Israel taageerada militari siiya ay cambaareeyeen weerarkii Iran, waxayse ugu baaqeen Israel inaysan qaadin tilaabo kale oo xaalada sii xumeyn karta.

Iran ayaa sheegtay in duqeyntoodii ugu horeysay ay ku koobeen oo kaliya xarumaha militariga Israel ee loo adeegsaday weerarkii lagu duqeeyey Qunsuliyadooda ku taal dalka Suuriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.