Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya gobolka Hiiraan, kaas oo sheegaya in galinkii danbe ee shalay ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga degmada Buuloburde, ee gobolkaasi.
Ciidamadan, ayaa ka war helay dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana weerar culus ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Shabaab, taas oo ku taalla deegaanka Wareertire oo u dhaxeeya degmada Buulo Burde, iyo Halgan oo kawada tirsan Hiiraan.
Weerarkaasi kadib waxaa dhacay dagaal toos ah, oo qaatay ku dhowaad saddex saacadood, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sarkaal u hadlay Macawiislayda, ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaalkaasi wuxuuna sheegay in Al-Shabaab, ka dileen 5 dagaalyahano halka iyagana uu ka dhintay 1 ruux.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah, maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana sii xoreeyn doonta degaannada ay ku harsanyihiin ee gobolka Hiiraan.
Ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Sbabaab, oo ku saabsan weerarkaasi ay Macawiidlayda ku qaadeen goobta ay isku uruursanayeen, kooxda.
Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay weerar duqeyn dhanka cirka ah, oo isla Buuloburde, lagu qaaday saldhig ay kooxda halkaasi kulahaayeen, kaas oo millatariga Dowladda Soomaaliya, ay sheegeen in xubno katirsan Al-Shabaab, iyo horjoogeyaashooda lagu qaarajiyay halkaasi, halka looga gubay gaadiid dagaal oo badan.