Masar ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay dalka Masar u dirtay ciidan tiro badan oo loogu talagalay in ay soo qaataan tababaro kala duwan oo dhanka milatariga ah, oo ay ku jiraan tababarka ciidamada dhulka, saraakiisha hoggaanka, cutubyada badda iyo cirka, iyo barashada qalabka farsamada iyo isgaarsiinta milatariga.
Tababarku waxa uu ka dhacay kuliyadaha dagaalka iyo xarumaha difaaca ee dalka Masar, waxaana markii hore loo qorsheeyay in uu socdo muddo u dhexaysa 3.5 ilaa 5 sano, iyadoo ku xiran qaybta uu askarigu ku takhasusayo.
Inta badan askartii tababarka loo qaaday ayaa ka baxay xeryaha taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan tayada iyo anshaxa askarta qaar ka mid ah cutubyadii la qaaday. Sidoo kale ma cada qaabka markii hore xulistooda loo maray.
Ilo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in weli ay socoto qiimeyn ku saabsan sababaha keentay in askar badan ay tababarka isaga soo baxaan, inkastoo aan weli war rasmi ah laga soo saarin.

Leave a Reply