Dowladda oo askari badan ku daadisay goobo badan oo caasimadda ah

Dowladda oo askari badan ku daadisay goobo badan oo caasimadda ah

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddooyin badan oo xaafadaha magaalada Muqdisho ah waxa ay ku daadisay askar badan .

Ujeedka askartan ayaa lagu sheegay in ay tahay si ay u sugaan amniga inta lagu jiro damaashaadka maalmaha ciida oo dad badan  isugu soo baxa meelo badan oo magaalada ah.

Goobaha dalxiiska ayaa ugu badan meelaha  askarta  Dowladda  maanta ay gaysay .

Saraakiisha  Dowladda oo hadlay ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen sidii loo sugi lahaa amniga dadka damaashadaya maadama lagu jiro maalo farxad badan.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu soo baxay dad badan kuwaa soo u dabaal degaya munaasabada maalinta ciidul Adxa

Leave a Reply

Your email address will not be published.