DFS oo ku dhawaaqay dagaal qorshe la’aan ah.

DFS oo ku dhawaaqay dagaal qorshe la’aan ah.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhawaqday dagaal aysan dejin qorshihiisa isla markaana aysan u diyaarsayn Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Quburada amniga ayaa sheegay in dagaalka ka socda degaano ka mid ah Gobolka Hiiraan uu muujinayo sida Dowladu ay ugu dhawaaqday – dagaal aysan qayb ka ahayn ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka Hiiraan ka socda oo ay qaadeen koox la baxay macwiislay ayaa ah mid ay isaga soo horjeedaan Al- Shabaab iyo dadka degaanka oo in muddo ahba ka socday degaanada gobolkaas.

Qoraal looga hadlayay dagaalka Hiiraan oo la soo dhigay Barta Faceook ee xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalka Hiiraan ka socda uu yahay dagaal dadka degaanka ay isaga dulqaadayaan dhibaatada Al- Shabaab ee Hiiraan.

Xog ay heshay RBC ayaa sheegaysa in saraakiisha Gobolka Hiiraan gaar ahaan Taliyayaasha ciidamada guutooyinka gobolka Hiiraan ayba isaga sugan yihiin Hotelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa ay leeyihiin quburada amniga waxa ay ahayd markii Dowladu ay ku dhawaqdsay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ka hor ay diyaariso dhamaan sahayda ciidanka oo ay barbar dejinta qorshaha dagaal.

Lama Oga ayay leeyihiin dadka amniga falanqeeya qorshe la dejiyay markii ay Dowladdu ay ku celcelinaysay dagaalka ka dhanka Al- Shabaab oo inu muddo ah dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gobolka Hiiraan ayaa ah hadda meelaha ugu badan ee ay ka socdaan dagaalada dadka degaanka iyo Al- Shabaab , waxaana gobolkaas ka jira kacdoon dadka ay isaga dulqaadayaan sida la sheegay Al- Shabaab.

In kastoo Dowladda kaalinta ay ku leedahay dagaalka Hiiraan uu aad u yar yahay hadana waxa la sheegayaa in xooga dadka degaanka ay ka faa’idaysto oo ay ku kabto ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo jabiyo Al- Shabaab.

Keliya ma ah meelaha dadku ay kaceen oo kacdoonka ka socda si la mid ah gobolka Mudug , taas oo la leeyahay waa fursadaha looga baahan yahay in waqtigan ay ka faa’idaysato dowladda Xasan Sheekh Maxamuud

Leave a Reply

Your email address will not be published.