Maxkamadda Sare ee KENYA oo maanta soo afjaraysa muranka Doorashadda

Maxkamadda Sare ee KENYA oo maanta soo afjaraysa muranka Doorashadda

Nairobi (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxaa la wada sugayaa in Maxkamadda sare ee Kenya ay ku dhawaaqdo oo ay soo saarto go’aan ay ku soo afjarayso muranka la galiyay doorashadii dalkaas ka dhacday 09-kii bishii Augoust.

Dadka Kenya ayaa dhegta u raaricinaya maanta waxa uu nqoon doono go’aanka Maxkamadda sare ee Kenya laga sugayo si dalkaas uga baxo xaalada hubinti la’aanta ah ee uu ku jiro maadama muran la galiyay natiijada doorashada.

Go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah ayaa haddii ay baabi’iso natiijada waxay noqon doontaa in muddo 60 maalmood ah lagu qabto doorasho cusub.

Raila Odinga, oo doorashadan taageero ka helayay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in koox u shaqeyneysay Ruto ay jabsadeen hannaanka guddiga ee online-ka ayna wax is daba marin sameeyeen.

Tirada codadka ee rasmiga ah ayaa muujinaya in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filan in uu ka baaqsado wareeg labaad ee doorasho ku celiska ah.

Maxkamadda Sare ayaa taariikhda Kenya markii ugu horreysay baab’isay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gaaray Odinga doorashadii 2017-kii sababo la xiriira ‘khaladaad ka dhacay doorashada

Leave a Reply

Your email address will not be published.