Dowladda Soomaaliya ” 200 oo Al Shabaab ayaan dilnay “

Beledwayne ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidanka ay fuliyeen ka dib ay dileen xubno ka tiran kooxda Al- Shabaab.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in xubnaha Al Shabaab ee la dilay ay ku jiraan saraakiil sarsare kuwaas oo la bartilaameedsaday.

Inta badan waxa ay Dowladda  sheegtay in howlgaladan ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah Hiiraa ,  galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe .

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab  Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa Warbaahinta  u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, isla markaana lagu dilay 200 oo Xubnood.

Taliyaha waxa uu sheegay in howlgaladan ay barbarsocdeen duqeymo dhanka cirka ay oo uu sheegay in ay ka qayb qaadanayeen saxiibada Dowladda ee ka gacan siinaya la dagaalanka Al Shabaab.

Si kasta  dagaal saacado badan qaatay ayaa ka dhacay  degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, halkaas oo ay weerareen fariisin ay Al-Shabaab kuleeyihiin Ciidamada dowladda & dadka degaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.