Maxaa looga hadlayaa shirka Aadan Madoobe ka furay Garoowe

Garoowe (Raxanreb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaaa magalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Shirka oo ay furitaankiisa ka qeyb galeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa waxaa ugu horeyn Shirka faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu shirkan leeyahay maadaamaa looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.