Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaal culus oo maanta ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ku dhex maray deegaanka Jabad Godane oo ay fariisin ku la hayeen ciidanka xoogga dalka.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa looga warbixiyay khasaaraha dagaalka iyo guulaha ay ka gareen ciidanka xoogga dalka.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Gaashaandhigga.
Sidoo kale bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu socdo hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka.
Ugu dambeyn wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegtay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.


Leave a Reply