Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in dalka la keeno Dawooyinka  maandooriye ahaanta loo isticmaalo

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in dalka la keeno Dawooyinka  maandooriye ahaanta loo isticmaalo

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya  Dr Maxamed Xasan Maxamed Bullaale ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in dalka la soo geliyo Daawooyin loo isticmaalo daroogo, kuwaas oo uu sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay Dad Ganacsato ah  dalka keenayeen.

Dhinaca kale Saacadihii la soo dhaafay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dilaacay cudurka la yiraahdo Gowracadata, kaas oo dadka ku dhacayay, isla markaana ay u geeriyoodeen dhowr qof dad kalena ay la jiifaan sida ay sheegtay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya  Dr Maxamed Xasan Maxamed Bullaale ayaa sheegay in ilaa iyo laba Ruux ay cudurka Gowracadata ugu geeriyoodeen Shabeellaha Dhexe ilaa 21 kalena ay la jiifaan.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sharaxaad Guud ka bixiyay calaamaha lagu garto cudurkaas iyo tallaabooyinka ay ilaa hadda qaaday Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba hadalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya  Dr Maxamed Xasan Maxamed Bullaale ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya la sheego inay tahay wadamada ugu liita dhaca caafimaadka, iyada oo aysan jirin dowlad Koontoroosha Dawooyinka la keenayo dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.