Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirddoonka dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka sameeyene howlgallo xoogan degmada Buurhakana ee katirsan Gobolka Baay.
Howlgalkaan oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladaasi ku soo qabtay jirgaamo maandooriyaha khamri ah iyo qofkii ka ganacsanayey, kuwaas oo la geeyay Saldhiga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida degmada Buurhakaba ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadi dooana howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya, sidoo kalena amniga lagu xaqiijinayo, si Bulshada degmad ay amni ugu wada noolaadaan.
Degmada degmada Buurhakana ee katirsan Gobolka Baay iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa Todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay degaano dhowr ah la wareegeen.
Leave a Reply