Dr Maryan Qaasim oo ku guuleystay doorashada hoggaanka guddiga xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Dr Maryan Qaasim oo ku guuleystay doorashada hoggaanka guddiga xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb Online) Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada guddoomiyaha  Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuql Insaanka Soomaaliya.

Doorashadan, oo markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto toddobaadkii hore, ayaa dib u dhacday kaddib caqabado farsamo iyo loollan siyaasadeed oo xoogganaa, balse saakay ayay bilaabmatay codeyn ay ku tartameen murashaxiin miisaan culus ku leh hay’adaha dowladda iyo nidaamka xuquuqda aadanaha.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood, ayaa doortay Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha.

Dr Maryam Qaasim ayaa heshay aqlabiyadda codka xubnaha Guddiga doorashada adag oo wareegii labaad la isla tagay.

Dr.Maryam Qasim Axmed oo ah Dhakhtar caafimaad ah, ayaa ku takhasustay Caafimaadka Dadweynaha waxaana ay leedahay waayo-aragnimo ka badan sodon sano, kana soo qabatay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada iyo Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Geesta kale Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul-Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddigaan waxa ay horay u horgaysay Baarlamaanka oo 11kii Oktoobar 2025 u codeeyay isla xiligaasina la dhaariyay xubnaha guddigaan.

Guddigaan oo ka kooban 9 Xuboon waxa uu Bishii May sanadkii tagay 2025 kusoo baxay Imtixaan laga qaaday xubnaha Guddigaan oo ugu danbayn la mariyay Baarlamaanka halkaasi waxa uu ka helay codka kalsoonida ee labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dhismaha Guddigaan waxa ay uga dhigan tahay in ay si madaxbannaan u maamulanayo Arrimaha Xuquuql Insaanka maadaama muddo dheer uu maamulayay Ergay hoostaga Qaramada Midoobay oo fadhigiisu ahaa Magaalada Geneva.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 10kii December 2025 saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo codka kalsoonida ka helay labada Gole ee Baarlamanaka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.