Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah dhagax-dhigay dhismaha Wadada Cabdiqaasim ee Degmada Hodan, taas oo waddo muhiim u ah bulshada.
Waxa uu tilmaamay in caqabaddii ugu weynayd ee dib u dhigtay dhismaha waddada Cabdiqaasim ay ahayd guryo iyo dhismayaal waddada soo galay, kuwaas oo si sharci darro ah u xannibay hirgelinta mashruuca.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Muungaab ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha iyo dhismayaasha waddada soo galay amray in la burburiyo dhammaan guryaha iyo dhismayaasha waddada soo galay, isaga oo u qabtay muddo hal isbuuc, si loo banneeyo waddada.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in dib-u-eegis lagu sameyn doono kariteeriyada shirkadaha nadaafadda, si loo qiimeeyo tayada adeegga ay bixiyaan iyo u-hoggaansanaantooda waajibaadka shaqo, loona xaqiijiyo in adeegga nadaafaddu noqdo mid hufan oo joogto ah.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xeer cusub oo nadaafadda magaalada la xiriira uu saxiixi doono dhawaan, kaas oo dejin doona habraac iyo waajibaad cad, islamarkaana adkeyn doona ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

Leave a Reply