Ergeyga QM ee u qaalbisanaa Arrimaha Suudaan oo is Casilay

Ergeyga QM ee u qaalbisanaa Arrimaha Suudaan oo is Casilay

Suudaan (Raxanreeb) Volker Perthes oo ah Dibloomaasi u dhashay dalka Jarmalka waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.

Sidoo kale, Ergayga oo Khudbadiisii u dambaysay maanta u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ka digay inuu Dagaalka ka socda  Sudan uu horseedi karo Dagaal Sokeeye oo dhamaystiran.

Is-Casilaadiisa ayaa timid, iyadoo ay  Dowladda Sudan ku dhawaaqday bishii June 8-dii ee sanadkan inay Ergaygaasi u aqoonsadeen Shaqsi aan laga sii jeclaan doonin dalka Sudan (persona non grata).

Dhanka kale, Qoraal uu Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan u diray Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayuu ku sheegay inuusan Ergayga dhexdhexaad ka ahayn Colaada dalkaasi.

Haddii aan eegno Taariikh Nololeedkiisa, Volker Perthes waxa uu ku dhashay magaalladda Duisburg-Homberg ee dalka Jarmalka bishii May 16-dii ee sanadkii 1958-dii.

Waa  Caalim Siyaasaded, Aqoonyahan, Qoraa iyo Cilmi-baare, wuxuuna Agaasime ka ahaa Machadka Jarmalka ee Arrimaha Caalamiga iyo Ammaanka  .

Tan iyo bishii January ee sanadkii 2021-dii waxa uu Volker Perth  ahaa Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan iyo Madaxa Hawlgalka KMG ee QM ee Taageerada Sudan .

Leave a Reply

Your email address will not be published.