Farmaajo ” Anigaa soo bilaabay guusha kursiga QM “.

Farmaajo ” Anigaa soo bilaabay guusha kursiga QM “.

Doha (Raxanreeb )- Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay kursiga aan joogtada ahayn ee Q.M.

Waxa uu sheegay in xukuunkiisa uu ahaa bilowga guusha Soomaaliya ay gaartay waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay sida tan :.

“Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in dalkeennu uu maanta ku guulaystay xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee sannadaha 2025-2026-ka, taas oo ku timi dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.

Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.

Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo.

Hambalyo Shacabka Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published.