Farmaajo oo ku gacan seyray sharciga guddiga doorashada baarlamaanka kuna tilmaamay mid sharci darro ah.

Doxa (Raxanreeb online) – Maamul goboleedka Jubbaland iyo wakiilo ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa diiday sharciga cusub ee la ansixiyay ee lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, iyagoo ku eedeeyay ku xad-gudbi dastuuri ah, lagana reebay habraaca go’aan qaadashada.

War-murtiyeed ay soo saareen madaxda Jubbaland Sabtidii ayaa ku tilmaamay codeynta baarlamaanka mid sharci darro ah, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in xildhibaannada Jubbaland iyo Puntland ay ka maqan yihiin fadhiga baarlamaanka.

“Tallaabadan uu qaaday Baarlamaanku waxay meesha ka saaraysaa wada-hadalka, is-ixtiraamka iyo dowladnimada dastuuriga ah, waxayna sii kordhinaysaa hubanti la’aan siyaasadeed, tillaabooyinkan sharci darrada ah waxay muujinayaan inaan diyaar u ahayn isu-tanaasul, taasoo sii luminaysa kalsoonidii iyo dowladnimadii dastuuriga ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.

Inkastoo Jubbaland ay si rasmi ah u diiday, ayaa haddana Suxufiyiinta waxa ay soo sheegeen in Xildhibaanada Jubbaland iyo Puntland qaarkood ay ka soo qayb galeen Xildhibaanada Jubbaland, ee ka soo horjeeda Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharcigan, iyadoo 173 mudane ay ku ansixiyeen xeerkan, kadib fadhi wadajir ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay ansixinta oo ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, isagoo ka digay inay sii kordhiso kala qeybsanaanta siyaasadeed.

“Isku-dhafka hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta waxay sii xumeeyeen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu danaha gaarka ah ka hormariyay midnimo Qaran.

Sharcigu waa tallaabo xasaasi ah oo loo qaaday hirgelinta yoolka Soomaaliya ee ah doorasho hal qof iyo hal cod ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay soo bandhigtay khaladaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo dalbanaya in wadatashi weyn laga yeesho dib u habeynta qaranka.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmay Muqdisho, isagoo ku baaqay in wada hadal laga dhex geliyo Puntland iyo SSC-Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.