Garoowe (Raxanreeb ) Villa Soomaaliya oo galangal ugu jirta wax ka bedelka Dastuurka ayaa dalka ku keentay culays siyaasadeed oo aan la saadalin karin halka ay salka dhigan doonto sanadaha soo socda.
Puntland iyo madax horeba waxa ay ku tilamameen qorshaha mid lagu doonayo in lagu majaxaabiyo dowlad dhiska Soomaaliyeed oo hadba meel laga soo jeediyay.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, ayada oo sidoo kale ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Puntland ayaa sida xogaha ay sheegayaan qorshaynaysa in maalmaha soo socda ay soo saarto mowqif adag isla markaana ay qaadi doontaa tallaabooyinka ka dhan ah Villa Somalia.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in sidoo kale uu fashilmay shirkii Garoowe lagu qaban lahaa oo uu gogoshiisa dhigay Siciid Deni si loogaga hadlo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Inuu fashilmo , shirkan ayaa sabab looga dhigayaa talaabooyinka ay qaadayso Villa Soomaaliya oo loo arko mid ku kooban shaqsiyaad gaar ah oo aan la galin wax wada tashi si loo gaaro go’aan wada ogol ah.
Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa shalay bilaabay ka doodista wax ka bedelka dastuurka oo la qorsheynayo in laba todobaad ay socoto oo ugu dambeyna la ansixiyo.
Leave a Reply