GAALKACYO : Booliska oo gacanta ku soo dhigay maan-dooriye.

Gaalkacyo (Raxanreeb )-  Howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayay gacanta ku soo dhigeen waxyaabaha maanka dooriyo.

War ka soo baxay ciidanka  booliska ayaa lagu sheegay in lagu guulaystey qabashada Gaari Nooha ah oo ay saarneyd Khamri dhan 487 dhalo

Booliska waxa uu sheegay in kooxdii  watay  ay goobta ka baxsadeen ciidanka amniga ayaa qalan qaday inuu socon doono Hawl galada lagu sugayo amniga

Waxaana goob joog ahaa  Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad)  iyo Sarakiil ka tirsan qeybta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.