Gabar Soomaali ah oo la sheegay in Turky lagu dilay oo soo hadashay – Warar isku sidkan.

Gabar Soomaali ah oo la sheegay in Turky lagu dilay oo soo hadashay – Warar isku sidkan.

Istanbul (Raxanreeb )  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sawir warbaahinta Turky ay u adeegstay gabar Soomaaliyeed oo ninkii qabay ku dilay dalkaas kuwaas oo dalxiis ahaan u joogay  Turky.

Xogta ah in gabadhaas Soomaaliyeed lagu dilay dalka Turky ayaa ah mid sax ah waxaana ciidanka amniga dalkaas gacanta ay ku hayaan gacan ku dhiiglihii falkaas u gaystay xaaskiisa.

Warbaahinta Turky ayaa si qaldan u adeegsatay sawirka la sheegay in gabadha la dilay ay tahay hase ahaatee ma ah sawirkaas  Gabadha la dilay.
Gabadha sawirkeeda la baahiyay  ayaa ku nool dalka Canada waxaana  lagu magacabaa Ayaan Shariif. halka gabadha la dilay lagu magacaabo Ayaan Mohamed Dhobo .

Ahmed oo ah Ayaan ninkeeda ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa sida ay sheegeen qaybta dembi-baarista ee Booliiska Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.