Garaad Jaamac “Muuse Biixi maamulkiisa waa in lagula xisaabtamaa dhimashada 800 ee ruux”

Garaad Jaamac “Muuse Biixi maamulkiisa waa in lagula xisaabtamaa dhimashada 800 ee ruux”

Laascaanood (Raxanreeb) — Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Garaaddada Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa sheegay in la dacwaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sababtuna uu ku sheegay in ay la xiriirta dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolka Sool.

Jaamac Garaad, ayaa sheegay in la diiwaan gelinayo dadkii ku dhintay Sool, oo gaaraya 800 oo qof dhaawacyo iyo hantida ku burburtay, dhammaan waxyeelladii ay geeysteen ciidamada maamulka Somaliland.

“Maamulka Muuse Biixi waxaa in loo dacwaynayaa dhimashadii Dadka gaaraya 800 oo ruux, Waa aynu diiwaangelinaa dadka dhaawacmay, goobta ay ku geeriyoodeen & xiliga ay waxgaareen loona sameeyo xarun iyo taallo lagu xardhayo magacyada oo dhan” Ayuu yiri Jaamac Garaad.

Sannad ayaa laga joogaa kacdoonkii ka dhacay Laascaanood kaas oo ahaa mid ka dhan ah, ciidamada Somaliland, uga danbeyna laga saaray deegaannadii ay maamulayeen.