Delhi (Raxanreeb )- Dowladda Hindiya ayaa codsi u gudbisay hay’adda badaha ee Qaramada Midoobay, wuxuuna codsigan doc wareen ku yahay qaranimada dhuleed ee Soomaaliya.
Hindiya waxa ay UN-ka ka codsanaysaa in loo fasaxo in maraakiibteeda in ay hawlgalo ka fuliyaan dhul badeedka Soomaaliya, si loola dagaalamo kooxaha burcadbadeeda ‘’ ayaa lagu yiri codsiga Hindia.
Hadda hawlgaladaasi waa la sameeyaa , balse waxaa ogolaanshaha laga qaataa dowladda federaalka ah, Hindiyana waxa ay doonaysaa in ogolaansho la’aanta dowladda Soomaaliya hawlgal kasta ay fulin karto, Qaramada Midoobayba arrinkaasi fasaxdo.
Sanadkii 2008-dii ayay UN fasaxday in maraakiibta shisheeyaha ee dagaalka ay hawlgalo burcad sifeyn ah ka fuliyaan badaha Soomaaliya, balse ogolaanshahaasi wuxuu waqtiga ka dhacay April 2022 -Kii, Wixii markaasi ka dambeeyayna waxaa ogolaanshaha laga qaadanayay dowladda Soomaaliya.
Hindiya waxa ay ku doodaysaa in ay soo laabteen weeraradii burcad badeeda, Soomaaliyana aysan xakamayn karin dambiyadaas, Sidaas darteedna loo ogolaado in ay hawlgalo fuliyaan markii ay doonaan
Leave a Reply