GARACAD :  Markab ganacsi oo markii ugu horeysay ku soo xirtay Dekadda.

Garacad (Raxanreeb ) Markii ugu horeysay Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa maanta oo Jimca ah ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Dekada Garacad ee gobolka Mudug waxaa hore ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsi wada.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Dekada Garacad ayaa sheegay in Markabkan lagu magacaabo AK Hamburg isla markaana si nabad ah ugu soo xirtay dekedda si uu u dejijo badeecadda ganacsi.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in wejiga kowaad ee dekedda Garacad ee gobolka Mudug la daah-furo waxaana ka qayb-gali doona wufuud kala duwan.

Dekada Garacad ayaa loo dhisay hab Casri ah oo keeni kara in laga maarno in Doomaha yar yar lagu soo qaado alaabta laga soo qaado Doomaha iyo Maraakiibta halkaasi ku soo xirta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.