MD Xasan Sheekh oo oggolaatay heshiiskii wax-soosaarka shidaalka ee shirkadda Coastline

MD Xasan Sheekh oo oggolaatay heshiiskii wax-soosaarka shidaalka ee shirkadda Coastline

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay oggolaatay heshiisyadii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration, ka dib markii dib loo saxay qodobadii ay dawladda Soomaaliya tabashada ka muujisay bishii February ee 2022.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa  sheegaysa  in dib u sixid lagu sameeyey qodob muhiim ubah  heshiiskaas, iyada oo la adeegsanayo garyaqaanka guud ee dawladda iyo weliba khubaro kale oo aqoon u leh heshiisyada noocan oo kale ah.

DHANKA KALE :

War kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu shaaciyay in ay $7 milyan ku bixisay saxiixa heshiiska shidaalka ee muranka uu ka taagan yahay. Lacagtaas ayay xustey in ay ku shubtey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.