Dagaal Beeleed ka dhacay Mudug & khasaaraha ka dhashay.

Gaalkacyo (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas maanta oo Jimca ah uu ka dhacay dagaal beeleed.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa  inuu ka dhacay  nawaaxiga Laanwaaleey ee gobolka mudug , halkaas oo mar qura laga maqlay dhawaqa rasaasta ay is waydaarsanayaan labada dhinac.

Ilaa iyo hadda la soo sheegin wax khasaaraha hase ahaatee waxaa jira sida dadka deegaanka ay sheegayaan dhibaatooyin muuqda oo dagaalkan ka dhashay.

Maamulka Galmudug wali wax war ah ma uusan ka soo saarin dagaalka qabaa’ilka salka ku haya ee ka qarxay maanta deegaano ka  mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala soco.
www.raxanreeb.com.

Lasoco wixi soo kordha

Leave a Reply

Your email address will not be published.