Garsoore katirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la dilay

Garsoore katirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay maanta barqadii kudileen Garsoore katirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Alle ha u naxariistee Sheekheey Shariif oo kamid ahaa Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay meel u dhow Gurigiisa oo kuyaalla degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Goobta dilka uu ka dhacay ay tageen Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Dharkenleey, kuwaas oo ku guuldareystay inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka loo geystay Sheekheey Shariif oo kamid ahaa Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana dilkaan uu kusoo aadayaa xilli amniga Magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.