Golaha ammaanka oo dood adag ka leh xaaladda Soomaaliya

Golaha ammaanka oo dood adag ka leh xaaladda Soomaaliya

New York (Raxanreeb) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood adag ka leh xaalada Soomaaliya gaar ahaan howlgalka  ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee uu hormuudka ka yahay Madaxwaynaha Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta uu socdo howlgalkan waxaa sidoo kale lagu soo  hadal qaadi doona arrimaha siyaasada ee taagan , inkastoo intaas badan xoogga lagu saaray amniga dalka iyo ciribtirka kooxda Al- Shabaab.

Golaha ayaa la fialayaa inay warbixino ka dhageystaan wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika oo sidoo kale ah madaxa ATMIS.

Labada mas’uul ayaa warbixinadooda uga hadli doono xaaladda Soomaaliya, si ay golaha ula wadaagaan arrimihii ugu dambeeyay ee soo kordhay iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa dhankiisa lagu wadaa inuu golaha la wadaago dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in muddo 90 cisho ah la hakiyo dhimista 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, codsigaas oo ay dowladda u gudbisay golaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.