Laascaanood (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa shir-guddoomiyay fadhigii 14-aad ee Kal-fadhiga 2-aad Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo.
Ajendaha Fadhiga maanta oo ahaa Ansixinta/Diidmada Hinidise Sharciyeedka Ciqaabta Horgallada.
Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dood iyo falanqayn ku sameeyay Hindise Sharciyeedka Ciqaabta Horgallada.
Guntanka/Kooramka Fadhiga maanta oo ahaa 23-Mudane waxaa Oggol ku Codeeyay (19-Mudane), diidmo (2-Mudane), waxaa ka’aamusay ( 2-Mudane).
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo xidhay fadhigii maanta isagoo u mahad-celiyay Guddiga Arimaha Gudaha, Maamulka Gobolada, Amniga iyo Difaaca Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo oo kasoo shaqeyay.
Leave a Reply