Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay shirka ay qabaneyso dowladda Federaalka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay aqbaleen gogoshii wada-hadalka ee ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa dhowaan ku baaqday shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa in Dalka Soomaaliyeed uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay halis ku jirto dowladnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo ay khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee hadda jira ay sii wiiqi karaan midnimada dhuleed iyo midda bulsho, ayna fursad u noqonayso in Kooxaha Al-Shabaab, Daacish iyo ciddii kale ee dano gurracan ka leh Soomaaliya ay ku waxyeeleyn karaan amniga iyo jiritaanka dowladnimada curdanka ah ee Dalka.

Haddaba, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asaga oo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee Dalkeena horyaalla, wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada Dalka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyay baaqyo ku wajahan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inuu qaado tallaabooyin, kuwaasoo u gogol xaaraya in shirku ku dhacdo jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo miradhal ah:


1. In uu gebi ahaanba joojiyo wax ka badelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.

2. In ajendayaasha laga wada hadlayo ay yihiin kuwa mudnaanta kowaad u leh xaaladda hadda ka jirta dalka.

3. Xaaladda midnimada iyo wadajirka dalka.

4. Xaaladda abaaraha ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.