Guddiga doorashooyinka Qaranka oo muddo kordhin u sameeyay diwaan gelinta Ururada

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in muddo kodhiin loo sameeyay  waqtiga diwaan gelinta Ururada dalka oo markii hore ku ekeyd  31-ka bishan Maarso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ay muddo kordhinta ugu sameyeen Ururada ay tahay codsi ayaga ka yimid, isla markaana waxa uu tilmaamay in 21 cisho ay ugu dareen.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaan wada hadal la sameeynay Ururada horay isku diwaan geliyay iyo kuwa hadda shaqadoodu socoto, waxa ayna naga codsadeen in 21 cisho aan ugu darno, intaas kaddib guddiga shalay ka shiray ayaa go’aamiyay  in loogu daro muddo 21 cisho ah, madaama ay mudda ku akeyd 31-ka bisha Maarso” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaciyay in doorashada golaha deegaanka ay qaban doonaan dhammaadka bisha June ee sannadkan 2025.

Sikastaba, guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii dalka ay uga dhici laheyd doorashada Qof iyo Cod ee uu shaaciyay in dalka ay ka dhaceyso madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.