Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo mooshin xilka looga qadaayo RW Kuxigeenka dalka Saalax Jaamac horgeeyay golaah aqalka sare

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta golaha hortiisa ka soo jeediyay in xilka laga qaado Senator Saalax Axmed Jaamac oo ah Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in senatorka uusan hal maalin xitaa imaan kalfadhigga Aqalka Sare muddo ka badan labo sano iyo bar, waxa uuna xusay in ay tahay in kursigaasi la buuxiyo maadaama uusan imaaneyn kulamada golaha una muuqdo Saalax mid ka maarmay kursiga.

Dhanka kale, waxa uu sheegay guddoomiyaha Aqalka Sare in Senataor Saalax iyo kuwa kale ee gobolada waqooyi matela kuwa dowlad goboleedyada, waxa uuna xusay in labadii oday dhaqmeed ee soo xulay aysan Muqdisho joogin uuna mid jiro Burco , halka kan kalana jiro dowlad deegaanka Soomaalida.

Senatarada Aqalka Sare ayuuna ka codsaday in ay aqbalana xil ka qaadista kursiga Aqalka Sare ee Senator Saalax Axmed Jaamac, iyo sidoo klae dhaarinta xubin kale oo buuxinaya booska kursiga Aqalka Sare  ee Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Senatorada Aqalka Sare oo ka hadlay doodan xil ka qaadista , ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha xilka looga qaadao Senatorka, waxa ayna caddeeyeen in aysan oggolaan doonin qorshahan xil ka qaadista iyo qaabka uu u rabo guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo sidoo kale ah Senator katirsan Aqalka Sare, ayaa tan iyo markii loo magacaabay Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka la sheegay in uusan marnaba tagin fadhiyada Aqalka Sare kaliyana ku koobnaa shaqadiisa kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.