Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda oo shaaciyay xil ka qaadistiisa

Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda oo shaaciyay xil ka qaadistiisa

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Xasan Cumar Mahad Alle oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan waxa keenay xilka qaadistiisa.

Mahad Alle ayaa sababta xilka looga qaaday ku sheegay in ay ahayd dagaal uu kula jiray musuq-maasuq ka dhex jira jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday

Xilka qaadistiisa waxa uu tilmaamay inay ka dambeeyeen shaqsiyaad ku sugan gudaha iyo banaanka, isla-markaana ay kasoo horjeedeen dadaalka uu isagu waday ee musuqa.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadda oo sameeyay wax isdaba marin, isla-markaana uu dacwadooda u gudbiyay hantidhowrka, si loogu sameeyo dabagal iyo baaritaano dheeraad ah.
“Dadkii aan kala dagaalamayay musuq maasuqa aan kala joogsiga lahayn, wallaahi waa joogaan, jaamacaddaasna iyagaa la dagaa dagaaya,” ayuu yiri Pro. Xasan Mahad Alle.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo ka tirsanaa Macallimiinta Jaamacadda Ummadda, balse u goostay dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Nageeye wuxuu ahaa dadka ii yimaada, hadda markii iigu dambeysay waxaa ii yimid isaga iyo wiil madow oo dhalinyaro ah oo uu i baraayay, sababta uu i baraayay ma xasuusto inuu shaqo u raadinayay iyo in kale ma ogi. “Waxyaabaha aan la yaabi jiray weligey waxay ahayd simister kasta 4 maado ugu yaraan haddii aysan ka badneyn ama 5 maado ayaa loo dhiibi jiray Macallimiinta caadiga ah saddex ma helaan 1 iyo 2 ayaa lagu tuuraa, isaga 4 maado ayuu helaa” ayuu yiri gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Jaamacadda Ummadda.

Ninkan ayaa waxaa shalay cayriyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo kusoo aaday, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hay’addaha amniga baaris ku hayaan xubno Jaamacadda ah, tan iyo markii ay soo baxday in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab.