Haddii Guddiyadii laga diiday Saciid DENI , maxaa furan si xal loo gaaro ?

Haddii Guddiyadii laga diiday Saciid DENI , maxaa furan si xal loo gaaro ?

Garoowe ( Raxanreeb ) Puntland waxaa ka taagan khilaafka doorasho ee ka dhashay daaha iyo Guddiyada dhawaan uu magacaabay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Khilaafka ayaa sidoo kale waxa uu saamayn ku yeeshay , Madaxwaynaha maamulkaas iyo ku xigeenkiisa Saciid Deni iyo Axmed Karaash kaas oo marba marka ka danbeysay cirka isku sii shareerayo.

Karaash oo  markale soo saaray qoraal uu kaga hadlayo doorashada ayaa waxa uu sheegay inuu diidan yahay oo aan lagala tashan guddiyada khilaafka doorasho iyo amni ee Deni uu magacaabay.

“Bulshada reer Puntland iyo daneeyayaasha kaleba waxaan u cadaynayaa in aanan wax talo ah ku lahayn aysana i khusayn  Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xubnaha Golaha Wakiilada ee uu magacaaabay  Madaxweyne Siciid Deni”

Maalmo ka hor sidan oo kale Axmed Karaash u sheegay in aan lagala tashan , Guddiyada uu soo dhisay Saciid Deni isagoo keliye Taliye ku timaamay Madaxwaynaha.

Maanta xubnaha mucaaradka qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay diidan yihiin guddiyadaas oo ay u arkaan in aysan dhax dhaxaad ka noqon doonin arrimaha doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.