SAADAAL  & XOG : Ma qabsoomi doonaa shirka madasha wadatashiga Qaran ?

SAADAAL  & XOG : Ma qabsoomi doonaa shirka madasha wadatashiga Qaran ?

Muqdisho (Raxanreeb ) – Tan iyo markii uu dib u dhac  ku yimid shirka madasha wada-tashiga Qaran waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira in dib markale loo balami doono iyo in kale.

Shaki badan ayay leeyihiin saadaalayaashu arrimaha siyaasadda ayaa ku gadooman suurtagalnimada in markale la shaaciyo qabsoomida shirka madasha oo muhiim u ahaa Villa Somalia.

Raxanreeb ayaa ogaatay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in markale Villa Somalia ay doonayso in ay qaban qaabiso shirka si looga hadlayo geedi socodka doorashooyinka.

Laakiin waxaa  ay sheegayaan xogaha la helayo in  qarka loo saaran yahay inuu fashil uu ku yimaado , dadaladan oo xoogooda uu   bilowday maalmihii la soo dhaafay.

Maamul goboleedyada sida Jubbaland iyo koonfur galbeed ayaa la sheegayaa in ay aad u dhaliilsan yihiin hanaanka  uu hadda wax u wado Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud hase ahaatee banaanka wali ma aysan la imaan.

Labadan maamul ayaa xusul duub ugu jira , sidii ay  u qaban lahayeen doorasho hase ahaatee madaxwaynaha Dowladda  Federaalka ayaa faragaliyay taas oo keentay in shirka ay imaan waayeen.

Maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa dhankooda wali warkooda uusan cadayn ,maadama Madaxwaynaha Galmudug uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho si shirka uu qayb ugu noqdo.

Galmudug waqtigan ma shar yara marka loo fiiriyo in ay isku diyaarinayso doorasho oo Villa Somalia waxa ay isku dayaysaa in meesha ay ka saarto Axmed Qoorqoor.

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis uu  kala kulmayo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada uu isku diyaarinaya in ay qabsadaan doorasho ka madax banaan Villa Somalia

Dowladda hore ayay isku daayeen maamul goboleedka Puntland  oo diiday in ay ka mid ahaato nidaamka Federaalka ah ee waqtigan maadama wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.