Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online) Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, oo gacan ka heleysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Bulungaad oo ku taala gobolka Shabeellaha Hoose.
Bayaanka kasoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 30 Al-shabaab.
Sidoo kale Bayaanka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay, sidii loogu tagalay, isla markaana lagu burburiyay goobo iyo gabaadyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Weli hay’adda NISA, faah faahin intaas ka badan kama bixin howlgalka iyo magacyada horjogayaasha lagu dilay weerarka ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply