Hiiraan (Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo dhanka Cirka ah oo laga fuliyay goobo iyo gabaadyo ay ku sugnayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab, kaasi oo laga fuliyay deegaanka Tardo oo hoostaga degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.
Deegaanka Tardo ayaa degmadda Jalalaqsi uga beeggan dhanka Waqooyi Bari, waxaana horey ula wareegay bishii Julaay ee sanadkan kooxda Al-shabaab, kaddib markii ay isabaxeen Ciidamaddii dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee halkaas joogay
Deegaanka Tardo ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay horey u ahayd xarun muhiim ah oo sahayda iyo adeegyadda ee Ciidamadda dadka deegaanka Macawiisleyda iyo Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo door muhiim ah ka ciyaartay difaaca magaalooyin muhiim ah oo ku yaalay Gobaladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply