Kismaayo ( Raxanreeb Online) Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.
Howlgalladan ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, halkaas oo lagu burburiyay godad iyo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha Khawaariijta ah.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inta lagu guda jiray howlgalka, la lagu dilay in 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab halka 32 kale lagu dhaawacay intii ay socdeen howlgaladan oo cirka iyo dhulka isugu jiray.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Shabaab, iyo ciribtirkooda, si loo sugo amniga, xasiloonida, iyo nolol nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.

Leave a Reply