Iran oo maalintii 11-aad internet la’aan ah

Dehran ( Raxanreeb Online) 92 Milyan oo shacab ah ayaa wajahayaa saameynta adeegga internet-ka oo ka go’an, taas oo horseeday in aanay isticmaali Karin talefoonadooda, xittaa farriimaha.

Dowladda Iiraan ayaa adeegyada jartay 8-dii Bishan, taas oo inta badan uga gol leedahay caburinta dadka mudaaharaadaya iyo in laga hor tago hay’adaha kormeerka sameynaya.

Dowladda ma sheegin goorta internet-ka dib loo celin doono, balse warar cusub oo la helayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay qorsheynayaan ay si joogto ah u jaraan internet-ka.

Kormeeryaasha xorriyadda internetka ee FilterWatch, waxay aaminsan yihiin in dawladdu ay si degdeg ah u hirgelinayso nidaamyo iyo xeerar cusub, si ay Iiraan uga gooyso internetka caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.