ISBEDELKA CIMILADA : Saameynta isbeddelka Cimilada & Soomaaliya .

ISBEDELKA CIMILADA : Saameynta isbeddelka Cimilada & Soomaaliya .

Muqdisho (Raxanreeb ) –Isbedelka ku yimid cimillada adduunka ee sababay fatahaaddiiEl Nino ee sannadkii hore ku dhuftay Soomaaliya, ayaa saameyn qallafsan ku yeeshay waxsoosaarka beeraha ee deegaanka Jannaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan kuwa moosku ka baxo.

Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho.

Jannaale oo ah deegaan beeraha qani ku ah ayaa waxaa saameeyey daadad ka dhashay roobabkii dayrta ee El Nino oo gobolka maasheeyey, taas oo keentay in webiga Shabeelle ee halkaas mara ku fataho dhul beereed baaxad leh.

Guddoomiyah Degmada Jannaalle, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur ayaa sheegay in degmada ay ka dillaacay cudur halis ah oo beeraha mooska baabi’iyey, taas oo khasaarihii ka dhashay aysan beeraleyda degmadu weli ka soo waaqsan.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanka uu ka jiro cudurka shubanka oo illaa hadda salfaday nolosha 16 ruux, kaas oo loo aaneeyey daruufaha ka dhashay El Nino oo abuurtay xaalad nadaafad darro.

Cunto yaraanta ayaa kamida waxayabaha ka dhalan kara isbedelka cimilada , taasi oo cafimaadka dadkana ku lahaan karta saameyn xun.

Khatarha ugu waaweyn ee Afrika soo waajahay waxaa kamida Biyo yaraan aad u baaxda wen iyadoo dalalka saxaaraha ka hoseeya ee afrika waxaa ka taagan biyo yaraan qaarkood taas oo immika 95% beeralaydu ay ku tiirsan yahiin roobka

Leave a Reply

Your email address will not be published.