Itoobiya : Rabashado ka dilaacay Waqooyiga Adis Ababa.

Itoobiya : Rabashado ka dilaacay Waqooyiga Adis Ababa.

Adis Ababa (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay meela kala duwan ee dalka Itoobiya ah sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dagaal ayaa ka dhacay mid ka mid ah deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya gobollada Tigray iyo Amxaarada ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegaysa in ay jiraan khasaare lixaad leh oo soo gaaray labada dhinac ee ku dagaalamaya gobolka muranka uu ka taagan ee Amxaarada waxaana jira dhawaacyo la dhigay isbitaalada.

Labada h ee Tigrayga iyo Amxaarada ayaa isla markiiba isweydaarsaday eedeymo ku saabsan cidda hurisay rabshadaha. Hadda, ma jiraan calaamado muujinaya in dagaalku qaboobay.

Rabshadahan ayaa daba socda dagaalo hore uga dhacay magaalooyin & gobolo kala duwa oo dalkaas ah , mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Itoobiya oo lagu eedeyo inuu ku fashilmay wax qabashada ququltooyinka ka jira dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.