Israa’iil oo GAZA ka saaraysa ciidankeeda.

Israa’iil oo GAZA ka saaraysa ciidankeeda.

GAZA (Raxanreeb )-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in dhammaan ciidanka dhulka laga saaray koonfurta marinka Qasa , marka laga reebo hal guuto , sida ay sheegtay Reuters oo xigatay afhayeen u hadlay ciidanka Israa’iil.

Ma jirto faahfaahin la bixiyay oo la xiriirta sababta guutooyinkeeda looga saaray koonfurta Qasa oo ah halka ay ciidanka ugu badan ka joogeen Israa’iil, kuwaaso maalmihii u dambeeyay dhimasho iyo dhaawac badan ay gaarsiiyeen kooxaha iska caabinta Qasa oo ku qaaday weerarro gaadmo ah.

Lix bilood oo dagaalka uu socdo , Israa’iil waxay si cad ugu guul-darraysatay inay gaarto natijo la sawirri karo , waxayna ciidankeeda la baxaysa iyadoo aan gaarin gododka Xamaas iyo mid ka mid ah maxaabiista goobaha lagu hayo, sidoo kale ka bixitaankan ayaa ku soo aadaya xilli ay Qaahiro ka socdaan wada-xaajood lagu raadinayo heshiis xabbad-joojina, wuxuuna mar kale shalay ku celiyay hoggaamiyaha Xamaas inay heshiiska aqbalayaan marka dagaalka la joojiyo oo ciidanka laga saaro Qasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.