Muqdisho (Raxanreeb )- Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa laga soo warinayaa dhacdo aad u argagax leh ka dib markii halkaa lagu dilay hooyo Soomaaliyeed.
Dilka waxaa la sheegay inuu gaystay askari ka tirsan m ciidanka amniga maamulka degmada Afgooye , ka dib markii uu ku amray askariga Hooyada Soomaaliyeed bixinta lacag dhan shan kun oo Shillin Soomaali.
Xabadda hooyada ku dhacday una geeriyootay ayaa la sheegay in ay sii dhax martay oo ku dhacday labo nin oo kale oo midkood la sheegay in uu geeriyooday, halka midka kalana uu dhaawac soo gaaray.
Dilalka argagaxa leh ay dadka shacabka ah u geesanayaan askarta katirsan ciidanka dowladda ayaa maalmahan sii kordhaya, waxaana xusid mudan in ciidamada ammaanka ay inta badan qabtaan askarta iyo dadka kale ee shacabka ah ee dilalka geesta.
Maamulka degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose wax war ah ma uusan ka soo saarin dilalkan arxan darada ah ee maanta ka dhacay suuqa degmada Afgooye.
Leave a Reply