Itoobiya oo war kasoo saartay carqaladeyntii ay ku sameeyeen Xasan Sheekh

Itoobiya oo war kasoo saartay carqaladeyntii ay ku sameeyeen Xasan Sheekh

Muqdisho (Raxanreeb) — Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay carqaladeyn iyo ishortaag la sheegay inay ku sameeyeen wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee shalay ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika kaas oo ka dhacayay Addis-Ababa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu yiri Itoobiya waxay jabisay hab maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah.

“Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, uguna sii daran’e’, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika. Hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay”.

Itoobiya, ayaa dhankeeda u dhigtay hadalka sida ay wax u dhaceen.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri, “Xukuumadda Itoobiya waxay si diirran u soo dhoweysay madaxweynaha Soomaaliya, ayadoo la siiyey xushmad buuxda oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid shirka Midowga Afrika. Maadaama aan nahay dalka marti galinaya, xukuumadda Itoobiya waxay mas’uul ka tahay amniga madaxweyneyaasha iyo madaxda dawladaha inta ay dalka joogaan,” ayey tiri dowladda Itoobiya.

“Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is-hortaagay ciidanka ammaanka ee Midowga Afrika. Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda,” ayaa lagu yiri mar kale.

Cali Balcad, sii haayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah, oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lagu qabanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa diiday in laga reebo ilaaladiisa uuna raaco ciidamo Itoobiyaan ah, Wasiir Balcad, ayaa sheegay Itoobiya in ay rabtay inay ka baajiyo madaxweynaha shirkaasi.

Xasan Sheekh, ayaa go’aansaday marka uu khudbadiisa dhameeysto in uu soo dhoofo dib ugu soo laabto Muqdiaho, isagoona khudbaddiisa kaddib kulan gaar ah, la yeeshay guddoomiyaha Midowga Afrika, Muse Faki Maxamed, isagoo ku dacweeyay Itoobiya, una sharaxay caqabadihii lagu baajin rabay ka qeeyb galkiisa shirkaasi.