“Ninka ugu il-dheer baa , Dadka ugu ayaan daran ‘’.

“Ninka ugu il-dheer baa , Dadka ugu ayaan daran ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay si deg deg ah ka dib markii waji gabax uu kala soo kulmay shirkii midowga Afrika ee Adis Ababa.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in sidoo kale uu qal qal amni uu kala kulmay ,  shirka maadam ay marti galinaysay shirkaa Itoobiya isla markaana ay tahay xarunta midowga Afrika.

Talaabadan ayaa timid markii siyaasiin badan ay shaaciyeen in ay  haboonaan lahayd in Xasan Sheekh uu ka baaqsado inuu u aado shirka midowga Afrika maadama khilaaf uu kala dhaxeeyo Itoobiya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan  Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxwaynaha haddii uu tago Adis Ababa uu kala soo kulmi doono waji gabax loona baahan yahay inuu ka baaqsado.

Hadalkan oo uu Facebookiisa uu ku qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hor safarka Adis Ababa ee Xasan ayaa hadda waxaa soo baxaya warkii siyaasigan uu shaaciyay.

Cabdirixmaan Cabdishakuur ayaa sheegay haddiiba ay ahayd in shirka la aado in ay ahayd in la diro wasiir oo kale oo maqaamka matalaada hoos loo dhigo.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka carooday talabaadii ay qaaday Dowladda Itoobiya isaga oo sheegay in Itoobiya ay doonayso in ay qaadato , bad Soomaaliyeed taasna aysan ahayn wax la aqbali karo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya aaya xumaaday ka dib bilowgii bishii Janaayo markii Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah ku wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.