Jowhar (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaq dhaqaaq la xiriira howlgalka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.
Shir looga hadlayay arrintaas ayaa lagu qabtay magaalada Beledwayne ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgallada Al-Shabaab iyo diyaar garowga loogu jiro wajiga 2aad ee Howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay bilaabi doonaan hawlgalka lagu doonayo in loogu saaro kooxda Al- Shabaab deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Leave a Reply