Soomaaliya oo ka qayb qaadanaya xalka dagaalka Suudaan

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaya xalka dagaalka Suudaan

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dhinacyada ku dagaalamaya Waddanka Suudaan ugu baaqay in ay wadahadlaan kana shaqeeyaan ilaalinta xasiloonida Dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay codkeeda ku biirineyso in dhabbaha nabadda iyo wadahadalka xoogga la saaro si looga fogaado saameynta dagaalkaas ka dhalan karta.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergay ka socday Golaha Sare ee Dalka Suudaan oo lagu magacaabo Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa u sheegay in Soomaaliya ay ka walaacsan tahay iska hor imaadka hubeysan ee ka socda dalkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinacyada dagaalamaya ee Siyaasadda isku haya usoo jeediyay in la bajiyo dhiigga daadanaya oo fursad la siiyo wadaxaajoodka iyo xalka nabadda oo ah dhabbaha keliya loo mari karo in la is fahmo.

Xasan Sheekh ayaa xusay  in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Labada Janan ee isku haya Jamhuuriyadda Suudaan ayaa loo kala diray baaqyo isku mid ah oo ah in ay wadahadlaan kana wada-xaajoodaan waxyaabaha keenay gacan-qaadka dhexmaray si looga hortago dagaal daba-dheeraada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.