Raxanreeb (Kismaayo ) Roob mahiigaan ah oo dabaylo wata ayaa ka da’ay deegaanka Raas-kaambooni ee Gobolka Jubbada hoose.
Roobkan oo bilowday xalay ayaa socday ilaa saaka iyadoo ay barakaceen dadka deganaa guryaha u dhow xeeliga Badda, ma jiro wax khasaare nafeed ah oo uu sababay Roobkan sida ay ii xaqiijiyeen maamulka deegaanka.
Roobkan ayaa kusoo aaday iyadoo muddooyinkii danbe soo baxayeen digniinno ku aadan Roobab dabaylo wata oo laga cabsi qabo in ay ka da’aan dalka gaar ahaan deegaanada Xeebaha iyo Webiyada.
Cimilada El Nino ee la saadaaliyay iyo curashada xilli-roobaadka Deyrta ayaa la filayaa inay saameeyaan ilaa 1.2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo keliya.
Dalka Soomaaliya ayaa looga digay bulshada ku dhaqan deegaannada ay maraan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle in ay ka taxadaraan oo ay u guuraan dhul sare.
Dowlada Soomaaliya marar badan ayay digniinahaan bixisay iyadoo hada wado olole dhamaan Gobolada dalka looga diyar garoobayo sidii looga feejignaan lahaa roobabkaasi iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.
Magaalooyinka Beledweyne, Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha wasaaradda cimillada iyo deegaanka Soomaaliya ay si gaar ah ugu digayso in ay samayn karto.
Leave a Reply