Al-Shabaab oo laga saarey kaymaha Shabeelada Dhexe

Al-Shabaab oo laga saarey kaymaha Shabeelada Dhexe

Raxanreeb (Muqdisho )War ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sheegay in howlgal wadajir ah malayshiyadka Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey.

ATMIS oo qoraal kooban ku baahisey barta X ee horey loogu aqoon jirey Twitter ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeybta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda.

Dagaalkan al-Shabaab looga soo eryay webiga dhankiisa bari ayaa ahaa weerar saf ballaaran oo dhulka ah iyo madaafiicda goobta, kaasi oo la soo geba-gebeeyey Axaddii 1-da October, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo kaymaha Cali Fooldheere

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo xoogan oo gaysta khasaarooyin kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.