Jubbaland oo shaacisay Go’aan dalka looga saarayo Al-Shabaab

Jubbaland oo shaacisay Go’aan dalka looga saarayo Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya xilligaan ay ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado howlgallaad, balse kaliya la dhihin Maamul hebel ayaa kujira.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaa b si looga dulqaado dadka Soomaaliyeed oo ay u diideen Waxbarashada iyo Caafimaadka.

“ Aan dalkeenna iyo Dadkeenna Mideyno oo aan iska dulqaadno Al-Shabaab, hadii aan iskaashano oo maamul hebel ayaa kujira kaliya aanan ku ekaan waa ka guuleysaneynaa Al-Shabaab ayuu yiri” Wasiirka.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay degaannada Jubbaland ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo degaano dhowr ah lagala wareegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.