Kalfadhiga 4aad ee BJF oo furmaya & buuq ka dhax jira – Maxaa ka socda Golaha

Kalfadhiga 4aad ee BJF oo furmaya & buuq ka dhax jira – Maxaa ka socda Golaha

Muqisho ( Raxanreeb ) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa furaya kalafadhiga 4aad ee Golaha shacabka sida Dastuurka KMG ah uu qabo.

Warar ayaa sheegaya in xarunta Golaha uu ka bilowday buuq iyo saxan ay samaynayaan xildhibaanaada Golaha shacabka kuwaas oo dhaliilsan sida ay wax u socdaan.

Dood ku saabsan  wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay ku howlan tahay Villa Somalia, lana filayo in xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan ayaa ka mid ah maanta qodobada dooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.